Oomaar: Ma jirto diyaarad laga xanibay in ay tagto Garacad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Federaalka oo madaxdeedu waqtigu ka dhacey ayaa maalmihii la soo dhaafey shirkad iska laheyd diyaarada ugu hanjabtey iney ruqasada kala noqneyso hadii ganacsato geyso magaala xeebeedka Garacad.

Wasiirka duulista xukuumada xilgaarsiinta, Oomaar, oo ka hadlay bar kulanka clubhouse ayaa ka jawaabay eedeymahaas, wuxuu sheegay in aysan jirin talaabo xanibaad ee dowladdu qaadey.

Sidda laga soo xigtay wasiirka, xukuumadda xilgaarsiinta ayaa diyaarad ganacsato ka dejin lahayd magaalada Garacad waxay safarka uga baajisay "arrimo ammaan darteed".

"Diyaaradda Garacad u socotay, arrimo amni oo markaas garoonka ka jiray ayaan u joojinnay oo garoonka amniga sugnayn ayaa jiray ee ma jirto xannibaad, wax alle wixii keeni kara in hawada dib nooga noqoto waan ka hortagaynaa," ayuu yiri.

Dowlada Farmaajo oo ku fashilantay in waddanka ay xilligii loo qorsheeyay ka qabato doorasho la isla ogol-yahay ayaa tan iyo inta xilka haysay siyaasadeysay isticmaalka hawada Soomaaliya.

Dowladii uu Madaxweynaha ka ahaa Xasan Shiikh ayaa markii dalka laga saarey KMG-ka waxay bilowdey sidii loogu soo wareejin lagaa Hawada dalka oo tan iyo burburkii ay maamuleysay hay’ada QM ee la yiraahdo ICAO The International Civil Aviation Organization.

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo xanibaad cirka ah ku soo rogtey maamulka Kismayo kadib markii Villa Somalia loo diidey iney faragliso dorashadii ka dhacdey Jubaland ee mar kale uu ku guuleystay madaxwayne Axmed Madoobe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM