Pentagon oo xaqiijisay dhimashada hogaamiyaha Al-Shabaab

Image

Jimce, September 05, 2014 [ GO]- Wasaarada Gashaandhiga Mareykanka ayaa xaqiijsay maanta [Jimcaha] dhimashada hogaamiyihii ururka Al-Shabaab, Ahmad Abdi Godane kadib markii Isniintii la soo dhaafey lala beegsadey Gantaal gaari uu saarna.

Xoghayaha u qaabislan saxaafada Wasaarada Gashaandhiga Mareykanka [ Pentagon] Rear adm. John Kirby ayaa qoraal kooban ku soo saarey in hogaamiyihii Al-Shabaab lagu diley weerarkaas. Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku tilmaamey guul laga gaarey la dagalanka argagixisada.

" Godane dhimashadiisa waa guul la gaarey, islamrkaana waxey dhabar jab ku tahay ururka ugu weyn oo gacansaarka la lahaa Al-Qacida kaasoo fadhigiisu yahay wadanka Somalia [Africa], waxeyna ka tarjumeysaa talabadaan dadaalka dhibka badan oo ay muujiyeen sirdoonka Mareykanka." ayaa lagu sheegey qoraal kaso baxey Aqalka Cad ee Mareyknka.

Dowlada Marekanka ayaa dhinaca kale sheegtey iney tageereyso howlgalada la dagaalanka Al-shabaab kuwaasoo ah mid ciidan, dhaqaale iyo diblomaasiyeed.

Afhayeenka u hadley Wasarada Gashaandhiga Mareykanka Mr.Kirby ayaa sheegey iney ogaayeen dhimashada Ahmad Godane maalintii Isniinta balse xaqiijin dambe loo baahnaa.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ayaa intii uu madaxda ka ahaa ururka Al-Shabaab fuliyey weeraro ka dhan ah dowlada Federaalka, maalmulada dalka ka jira sida Puntland, hay'daha QM iyo wadamada dariska la ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacab ku sugan Koonfur Galbeed oo gubay calanka Turkiga, iyagoo ka careysan duqeymo

Si kastaba, Turkiga si rasmi ah uma xaqiijin inuu mas'uul ka ahaa duqeymaha dhowaan laga soo sheegay deegaannada ku dhow Baydhabo.

  • Soomaliya

    16-08-2026

  • 09:34AM

Maxkamadda Racfaanka Banaadir oo Sacdiya Bajaaj xorriyaddeeda dib ugu celisay

Go’aanka Maxkamadda Racfaanka ayaa ugu dambeyn meesha ka saaray xukunkii saddexda sano ahaa.

  • Soomaliya

    12-08-2026

  • 02:21PM