PUNSAA oo soo saartey go'aamo ku saabsan barnaamijka New Deal

Image

November 16, 2014 (GO)- Shir muddo labo maalmood ah soconayey oo ururada ku mideysan dallada bulshada rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) isugu yimaadeen ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyey magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Shirkaas oo looga hadlayey barnaamijka Higsiga Cusub (New Deal) iyo kaalinta ay ku yeelaneyso bulshadu gaar ahaan tan Puntlan waxa gaba gabadiisii laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban todoba qodob.

Gudoomiye ku-xigeenka PUNSAA Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa qodobadaas u akhrisay warbaahinta waxayna u qornaayeen sidan:

1:Dowlada Puntland iyo bulshadu caalamku waa inay aqoonsadaan dowrka bulshada rayidka ah ay ku leedahay hanaan socodka hirgalinta hiigsiga cusub(New deal).

2: In la xoojiyo ka qeyb galka bulshada rayidka ah ee dhammaan heerarka fulinta ee barnaamijka New Deal.

3: Si bulshadu u fahanto ujeedadda barnaamijka hiigsiga cusub waa in lagu baahiyaa waci galintiisa dhammaan gobolada,  degmooyinka iyo ilaa heer tuulo.

4: In dib u eegis lagu sameeyo daraasadii qabyada ahayd ee lagu sameeyay burburkii Soomaaliya(Somali fragility assesment) si loo ogaado dhibka ka imaanaya.

5: dowlada federalka, dowladdaha xubnaha federalka , beesha caalamka iyo bulshada rayidka ah waa inay ujeeddo midaysan ka yeeshaan habsi usocodka iyo hirgalinta barnaamijka New deal.

6: In dib u hishiisiin guud laga sameeyo dalka gudahiisa si loo helo isku kalsoonaan iyo is aaminid qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

7: Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay garwaaqsatay inay muhiim tahay xoojinta xiriirka bulshoweynta Soomaaliyeed iyo dowladda si looga baxo colaadaha iyo burburka ragaadiyay dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM