Puntland: In ka badan 25 Kun oo Arday u Fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee 2026

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Garoowe, 30 May 2026 – Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ee sanadka 2026, kaas oo ay sanadkan u fariisteen 25,221 arday oo isugu jira dugsiyada dhexe iyo sare ee deegaannada Puntland.

Munaasabadda furitaanka oo ka dhacday magaalada Garoowe, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenku ardayda u rajeeyay guul iyo natiijo wanaagsan, isagoo Alle uga baryay inuu u fududeeyo imtixaanka ay maanta bilaabeen.

“Waxaan dhammaan ardayda u rajaynayaa guul, horumar iyo natiijo wanaagsan. Ardaydu waxay soo muujiyeen dedaal iyo dhabar-adayg muddadii ay ku jireen waxbarashada, dowladduna waxay xil gaar ah iska saartay sidii ardayda reer Puntland u heli lahaayeen waxbarasho iyo imtixaan mideysan oo tayadiisu sarreyso,” ayuu yiri Lugatoor.

Sidoo kale, wuxuu bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, maamulka dugsiyada, macallimiinta, waalidiinta iyo dhammaan howl-wadeennada ka shaqeeya horumarinta waxbarashada.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa xusay in adeegyada dowliga ah iyo howlaha bulshada ay si caadi ah u socdaan, isagoo adkeeyay muhiimadda ay waxbarashadu u leedahay horumarka iyo mustaqbalka Puntland.

Ugu dambeyn, Lugatoor ayaa si toos ah ugu qeybiyay qaar kamid ah ardayda waraaqaha imtixaanka, isaga oo mar kale u rajeeyay dhammaan ardayda Puntland in ay ku guuleystaan imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM