Puntland iyo Galmudug oo talo mideysan ka yeelanaya doorashadda

Image

GAALKACYO, Puntland – Dowladaha Puntland iyo Galmudug ayaa isla meeldhigay in ay talo mideysan ka yeeshaan arrimaha siyaasada Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka 2020-21, sidda lagu sheegay war qoraal ah.

War-saxaafadeedka wadajirka ah oo kasoo baxay kulan madaxeed ay hogaanka labada maamul ku yeesheen magaalada Gaalkacyo ayaa ka koobnaa todoba qodob oo nuxukoodu yahay xoojinta iskaashigada dhinacyada.

"Shirka waxaa lagu go'aamiyey in la joogteeyo shirarka iskaashiga Puntland iyo Galmudug si ay uga wada arrin-sadaan danaha ka dhaxeeya labada Dowladood, sidoo kalan talo mideysan ka yeeshaan guud ahaan aragtida siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020-21, kana wada shaqeeyana geedi u socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya," ayuu lagu yiri.

Kulanka oo shalay ka furmay qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Gaalkacyo waxaa ka qeybgalay wasiiro labada dowladood ka kala socday.

Iskaashiga ay ku balameen dowladahan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu galay mar-xalad kala guur ah.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa Sabtida maanta ah shaaciyey in aysan waqtigeeda ku dhici karin coddeynta loo qorsheeyay 2020-21.

Xaliima Yarey, gudoomiyaha guddigaas, ayaa soo jeedisay laba nooc doorasho oo mid qabsoomi karto August, 2021 iyo mid dhici karta bisha Maaj.

Maamulada, Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta ayaa horey uga dhigay dib u dhac iyo muddo kororsi ay sameystaan madaxda fadhisa Villa Soomaaliya oo wajahaya eedeymo ku aadan in ay diideen wada-xaajoodyo ay ka galaan.

BAYAANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM