Puntland iyo Jubaland oo DFS ku Eedeeyey inay Halis Gelisay Nolosha Wafdi iyo Ciidan ku Socday Muqdisho

Image

MUQDISHO - Puntland iyo Jubaland ayaa si isku mid ah u cambaareeyey go’aan ay dowladda Federaalka Soomaaliya hawada kaga celisay diyaarado siday ciidamo iyo saraakiil hordhac u ahaa wafdiga madaxweynayaasha labada maamul. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku soo jeeday caasimadda Muqdisho si ay uga qaybgalaan shirka wadatashiga ah ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Shirkan ayaa looga hadlayay arrimaha masiiriga ah ee doorashooyinka iyo dastuurka dalka, balse hadda wuxuu u muuqdaa mid fashil qarka u saaran ka dib tallaabooyinka ay qaadday Villa Somalia.

War-saxaafadeedka Puntland: Dowladda Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Dowladda Federaalku ay khatar gelisay nolosha saraakiil iyo ciidan ka tirsan ilaalada madaxweynaha. Puntland waxay ku eedaysay Madaxweynaha dowladda dhexe inuu qaaday tallaabooyin uu ula kac ugu fashilinayo gogosha wadatashiga, asaga oo sida muuqata aan fileyn in Golaha Mustaqbalka ay aqbali doonaan gogosha. Sidoo kale, waxay sheegeen inaysan aqbali doonin hab-dhaqanka madaxda dowladda dhexe ee lagu kala fogeynayo wadajirka iyo midnimada dalka.

War-Saxaadadeedka Jubaland: Dhankeeda, Dowladda Jubaland ayaa ku tilmaamtay go’aanka lagu celiyey diyaaradda mid "xilkasnimo-darro ah" oo halis toos ah geliyey wafdiga hordhaca ah. Jubaland waxay xustay in markii hore diyaaradda laga soo fasaxay Kismaayo, lagana warqabay socdaalkeeda, balse markii ay u dhowaatay inay degto Muqdisho la bixiyey amar ah inay dib u laabato iyadoo aan xitaa la hubin inay haysato shidaal ku filan. Jubaland waxay intaas ku dartay in sidoo kale laga celiyey garoonka diyaarado shacab ah, waxayna beenisay in horey heshiis looga gaaray tirada ilaalada madaxweynaha.

Labada maamulba waxay qoraalladooda ku sheegeen in tallaabooyinkan ay muujinayaan niyad-sami la’aanta dowladda federaalka ee ku aaddan qabsoomidda shirka lagu xallinayo khilaafaadka doorashooyinka iyo dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM