Puntland oo dad lagu tuhmay Covid-19 ku wareejineysa Galmudug

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Caafimaadka dowladda Puntland ayaa shaacisay in ay qabatay tobban qof oo kasoo galay xadka Somaliland kuwaas oo lagu tuhmay in ay sidaan fayruska Corona.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqsiyaadkaas oo aysan ka muuqan wax calaamado ah oo muujinaya in uu soo ritay xanuunka la geliyo karantiil.

Sidda ku xusan bayaanka, laba kamid ah dadkaas waa reer Punland, halka sideeda kale ay kusii jeedeen gobolada dhexe ee hoostaga dowlad goboledka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Warka qoraalka ah oo nuqul kamid ah uu arkay GO ayaa lagu caddeeyay in sideedaas ruux lagu wareejinayo maamulka Galmudug "iyaddoo la raacayo nidaamka caalamiga ah".

"Muwaadiniinta kale ee Puntland waxay gudan doonan mudada u hartay karan-tiilka oo 14-maalmood ah," ayaa lagu yiri qoraalka, oo xaqiijiyey in shaqsiyaadkaas la hakiyey Talaadadii shalay.

Dhinaca kale, wasaaradda oo sheegtay in Puntland uusan wali soo gaarin Covid-19 ayaa xustey in ay sugeyso natiijada shan ruux oo ay karan-tiishay balse aysan ka muuqan astaamaha.

Dr Jaamac Faarax Xasan, wasiirka caafimaadka dowladda Puntland, ayaa war-saxaafadeedka u akhriyey warbaahinta kadib shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Garowe.

Dowladda Puntland ayaa mar sii horeysay qaadey talaabooyin ay uga hortageyso xanuunkaas, waxaana kamid ah in ay xirtay xuduudaha, mamnuucista qaadka iyo joojinta kulamada waaweyn.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM