Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Image

GAROWE, Soomaaliya – Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa sii xoogeysanaysa, kaddib markii Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, uu si cad uga horyimid qorshe kasta oo lagu qoranayo ciidamo Federaalka ah gudaha deegaannada Puntland.

Lugatoor ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyo amni ama shirar siyaasadeed oo, sida uu sheegay, lagu wiiqayo jiritaanka iyo hay'adaha dowladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in xorriyadda siyaasadeed la dhowrayo, balse aan la aqbali doonin isku dayo lagu dhisayo ciidamo ama lagu abaabulayo kulamo uu ku tilmaamay kuwo lid ku ah xasilloonida iyo dawladnimada Puntland.

“Qof kasta oo siyaasi ah wuu iman karaa, aragtidiisana wuu cabbiri karaa, laakiin ma aqbali doonno in Puntland laga abaabulo ciidamo ama shirar lagu carqaladaynayo nidaamka jira,” ayuu yiri.

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa yimid maalmo kaddib markii wasiir ku-xigeenka maaliyadda Dowladda Federaalka, Cabdiqafaar Xaange, uu sheegay in dowladda dhexe ay awood u leedahay inay ciidamo ka qorto dhammaan deegaannada dalka, oo ay ku jirto Puntland.

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah, iyadoo la wareegtay Koonfur Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug oo doorasho aan heshiis lagu ahayn ka qabanayso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM