Puntland Oo heshay xiriirro taleefan oo dhex-maray Saraakiil katirsan DFS iyo Burcad-badeeda haysatay Markabka MV LUTUF

Image

GAROWE, Soomaaliya — Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socotay xiriirro taleefan oo dhex marayay saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee waqtigeeda dhamaadey iyo kooxdii burcad-badeedda ahayd ee haysatay markabka MV LUTUF.

Puntland ayaa ku eedeysay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee mudo-xileedkeedu dhamaadey inay dhex-dhexaadiyeen bixinta lacag madax-furasho ah si loo sii daayo markabkaas. Wasaaradda Amniga Puntland ma aysan magacaabin mas’uuliyiintaas, oo kuwa sare ay ku jiraan.

Saraakiisha xiriirka la sameeyay burcad-badeeda waxaa ku jira kuwa xilal sare haya, oo Turkiga wadashaqeyn xoog leh kala dhaxaysa, kuwaasoo la sheegay in la marsiiyay lacagta la siiyay burcad-badeeda. Dowladda Puntland ayaa la filayaa inay dhawaan soo bandhigto cadeymo isagu jira codad iyo dukumentiyo xaqiijinaya arintan.

Warar hore oo soo baxay ayaa sheegayay in burcad-badeeddu ay si nabad ah uga degeen Markabka, kadib markii ay qaateen lacag malaayiin dollar ah. Dalabkoodii hore wuxuu ahaa 2 milyan, lama oga in cadadkaas la siiyay iyo in kale.

Dowladda Puntland ayaa ku tilmaantay bixinta lacagta madax-furashada ah “khalad weyn”, iyadoo varamaysay in arrintaasi ay dhiirrigelin karto afduubyo kale oo ka dhaca badda isla markaana ay dhaawici karto dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda.

Burcad-badeedda hubeysan ayaa 17-kii August afduubtay markabka MV LUTUF xilli uu marayay xeebaha degmada Eyl ee Puntland, kadibna waxay u kaxeeyeen dhinaca xeebaha gobolka Nugaal.

Mas’uul Soomaali ah ayaa hore u sheegay in markabku uu siday hub ay leedahay Dowladda Turkiga, qalab isgaarsiineed iyo nidaamyo dayax-gacmeed oo ku wajahnaa xarunta militari oo Turkigu ku leeyahay magaalada Muqdisho (TURKSOM).

Markabka afduubka loo geystay waxaa la socday 10 shaqaale ah oo kala ahaa lix muwaadin oo u sinhay dalka Hindiya, hal Turki ah, hal Georgian ah iyo laba Serbian ah oo ilaalo ahaan u shaqeynayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM