Puntland oo ka digtey in la ansaxiyo sharciga shidaalka Somalia

Image

5 August, 2015 (GO)- Puntland oo ka digtay in la meel mariyo sharciga shidaalka Somalia ayaa qoraal sidaan u qoran soo saartey: 

 1 Hay’adda macdanta iyo shidaalka Puntland, waxay uga digaysaa Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho in la meel mariyo sharciga Shidaalka ee ay hordhigeen Golaha barlamaanka Federalka Somaliyeed, bishan August 2deedi, 2015, sababaha soo socda dartood.

2 Sharcigaan oo si sharci darra ah loo soo qoray waxaa sameysay wasaarada macdanta dowlada Federaalka ah. ma waafaqsana axdi qarameedka hada jira. Dawladda Puntland-na ma aqbalidoonto sharcigaas maadama aan lagu wadda heshiin.

3 Axdiga ku meelgaarka ah ee Jamhuriyadda Federalka Somaliyeed ee la sameeyey 2012-kii ma siin Dawladda Federalka Somaliyeed iyo Barlaamaanka Federalka Somaliyeed awood sharci oo ay ku sameeyaan shuruuc khusaysa arimaha khayraadkada dabiiciga ah, amaba shidaalka iyo macdanta Soomaaliya. waxaa amuurtaasi ku cadahay Qodobada 45 iyo 55 ee Axdiga kumeel gaarka ah ee Jamhuriyada Federalka Somaliyeed.

4 Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka ee Puntland waxaa ay ogtahay in sharcigaan cusub ee qabyada ah dabada ka riixaayaan shirkado shisheeye, sida Soma Oil and Gas, iyo kuwo la halmaala oo doonaya in ay si xaaran ah ku qaataan heshiisyo cusub, amaba laysku dayo in lagu xalaaleeyo heshiisyadkii hore oo ay Dawladdu la gashay shirkada Soma Oil and gas oo iyadu lacag ay leedahay ku dhisatay Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka Muqdisho. Shirkada Soma Oil and Gas oo si sharcidaro ku heshay heshiiska ay hada haysato ayaa waxaa lagu wadda baaris caalami ah, baaristaas oo khusaysa musuqmaasuq iyo laaluush.

5 Baaritaanka lagu wado shirkadda Soma Oil and Gas ayaa waxaa saldhig u ah in laaluush iyo hab musuqmaasuq ah lagu siiyey heshiiskaas iyo in kale. Sidaas darted, Hay’adda Macdanta iyo Shidaalka waxaa ay Dawladda Federalka ah usoo jeedinaysa in ay ka baxdo heshiiska ay la wadaagto shirkada Soma Oil maadaama shirkadaas uu ku socdo baaritaanka khusaya Laaluush.

DHAMAAD

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM