Qaabka dalka looga badbaadin karo "in uu ku burburo" gacanta Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya – Yagleelida gole ku meelgaar ah ama qabashada shir heer Qaran ah waa qaabka dalka looga badbaadin karo in uu ku burburo gacanta Farmaajo, sidda uu soo jeediyey siyaasi.
Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli mar-xalad kala guur ah uu dalka galay isla markaana baarlamaanka riday ra’iisul wasaaraha.
Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo rumeysan in ka takhaluska Xasan Cali Khayre ay ka dambeeyaan madaxweyne Farmaajo iyo taliska nabad-sugida ayaa ku sifeeyay mid lagu dilayo dimuqraadiyada waddanka.
Isagoo sheegay in Beesha Caalamka ay "hadda ogaatay in taliska Farmaajo ay ku dhex-jiraan dad qaswadayaal ah soona dhaweynayaan arrintaas," shacabka ayuu ku booriyey in ay qaataan dareen noocaas ah.
Dowladda Farmaajo kahor ayuu ka dhawaajiyey in aysan dalka ka jiri jirin; in AlShabaab canshuurto ganacsatada, xayiraada isu socodka dadka shacabka ah, xiritaanka jidadka, qaraxyo ay ku dhintaan 700 illaa 800.
"Marka shacabka loo turayo iyo shacabka maalin kasta afka lagu haysto halka uu joogo ayaan la yaaban nahay iyo shacabkaas meesha uu ku nool-yahay; haduusan ahayn midka Muqdisho ee dhibaatadan aragnay iyo sicilica ku dhex nool shacabka la sheegayo cidda uu yahay ayaan la yaanahay," ayuu yiri, isagoo naqdinaya oor-kacsiga Farmaajo ee ah in shacabka rabaan doorasho qof iyo cod ah.
Dadweynaha ayuu ku wargeliyay in ay tashadaan, isagoo tusaale ahaan u soo jeediyey in la sameeyo gole ku meelgaar ah ama in la qabto shir heer Qaran ah oo dalka lagu badbaadiyo.
"Madaxweyne Farmaajo doorasho la rabo, xukunka in uu nabad uga tago ma rabo, waa ninka quuri waayey dastuurka qodobkiisa 103-aad ee dhigaya in ra’iisul wasaaraha uu xukunka sii jooayo illaa laga soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub, waa nin raba in uu digreeyo ku maaulo dalka, waa ninka xogyahihiisa gaarka ee xafiiskiisa ka dhigay xoghayaha xafiiska ra’iisul wasaaraha oo nin kale aamini waayey, madaxweyne Farmaajo waakaas Soomaaliyey," ayuu xusay.
Siyaasiyiinta, Saamileyda iyo xisbiyadda metelanMuqdisho ee danahooda gaar ah xeerinaya ayuu xusiiyey in ay xishoodaan isla markaana gunta dhiisha isaga dhigaan samata-bixinta waddanka.
Xilli uu Golaha Shacabka ku qeexay “mid dhintay,” Dowlad goboleedyadda, Aqalka Sarre iyo daneeyayaasha siyaasadda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay isku-kaashadaan sidii dalka isbedel loogu horseedi lahaa.
"Isbedelkaas waxaa rajeynayaan in ay dadka Soomaaliyeed oo dhan kawada qeyb-qaataan, dalkeena oo nabad ah, dowladnimadeeda oo noo badbaada, dastuurkeena iyo dimuqraadiyadda oo sareysa in aan halkaas ku dhigno oo aan ka samatixino kooxdan gar ee dhaqanka argagixisada leh," ayuu tilmaamay.
Farmaajo oo muddo xileedkiisa uu dhamaanayo Febraayo, 2020 ayaa u ololeynaya doorasho qof iyo cod ah xilli maamulkiisa uu ku guuldareystay in uu amniga sugo, taas oo la macno ah in uu rabo dheereysi.
GAROWE ONLINE