Qaabka uu 4.5 caqabad ugu yahay qabyo-tirka dastuurka oo la sharaxay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ma yeelan karto dastuur heer Qaran inta ay siyaasadeeda ku saleysan tahay hanaanka qabiilka 4.5, sidda uu sheegay ku xigeenka koowaad ee afhayeenka Aqalka Sarre.

Senator Abshir Maxamed Axmed oo Axada maanta ah ka hadlay fadhi uu Senate-ka Muqdisho ku sheegay ayaa aaminsan in waddanka uu dastuur rasmi ah yeelan karto marka loo gudbo hanaanka xisbiyadda.

Kulanka uu goluhu yeeshay maanta ayaa wuxuu ku saabsanaa "Dhageysiga Warbixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-Meel Garka ee Guddiga Dib-u-eegista & La Socodka Hirgelinta arrimaha Dastuurka".

Guddiga oo dhismihiisa ay su'aal dul-hoogan tahay maadaama aan la waafujin dastuurka KMG ah qeybna ka ahayn maamuladda ayaa warbixinooda kusoo bandhigay "caqabado farsamo oo haysta".

Sidda laga soo xigtay Abshir, dhameytirka dastuurka "waxaa hortagaan shaqsiyaad" wallow uusan magacaabin. Warbixinta guddiga ayuu ku sifeeyay "mid qabyo ah oo aan ku jirin caqabadaha rasmiga ah.

"Soomaali waxay dhalatay iyaddoo mideysan, waxay lixdan sano jirsatay iyaddoo kala dhiman oo gobolada waqooyi maqan yihiin; sidee dastuur loo sameynayaa? Inta kale ee koonfur waxay kuwada joogaan dhiilo iyo colaad oo qodob markii la keeno mid uu diidayo uu leeyahay 'kan ma rabo, kani ma rabo' yaa kawada hadlayo dastuurka, midnimada, kheyraadka? Waa kawada xaajoonaya xisbiyo afkaar iyo fekrado ku dhisan, laakiin kama wadahadlayaan nin ay reer soo dirsadeen [oo wax iska reerkiisa u raba]," ayuu yiri.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ee uu majaraha u hayo madaxweyne Farmaajo oo qudhiisa laba jeer oo kaliya la fariistay guddigaan ayuu si cad ugu eedeeyay in ay aad uga gaabisay qabyo-tirka dastuurka.

"Gabagabo, madaxweynaha Jamhuuriyadda hadii uusan ahmiyad siinin ma dhameystiri karo dastuurka…aduunka ma jirto meel lagu sheego dal uusan dastuurkiisu horusocon madaxweynaha oo dastuur yeeshay," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Senator Abshir Bukhaari.

Dastuur sameynta Soomaaliya ayaa loo aqoonsaday hanaankii ugu dheeraa ee dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyey guud ahaan caalamka, ma jiro natiijo muuqata oo kasoo baxay dedaaladaas dunida maalgelineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM