UN: Macaluul ayaa albaabka usoo garaacaysa Soomaaliya

Image

NEW YORK, (GO) - Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay dawanada qeylodhaanta macaluusha ee Soomaaliya, waxayna sheegtay in wixii loo gaaro bisha 12 aad ee sanadka ay Soomaaliya ka dilaacayso macaluul oo ah heerka ugu xun ee abaarta, taas oo ka dhigan in dadka ay safsaf u dhimanayaan gaajo awgeed.

Madaxa hay’adda cuntada adduunka WFP Martin Griffiths ayaa argagaxa iyo qaadan waa ku sheegay waxyaabihii uu indhihiisa kusoo arkay markii uu booqday xerooyin ku yaala meelo ka mid ah dalka , wuxuuna yiri “macaluul ayaa albaabka u taagan Soomaaliya “.

Ku dhowaaqista macaluusha ayaa waxaa horey isugu fahmi waayay ergeyga abaaraha ee Soomaaliya iyo Xukuumadda, balse hadda waxaa muuqata In xaaladda ay aad uga dartay.

WFP waxa ay sheegtay in ay gargaar gaarsiisay 3.7 milyan oo qof, tiradaas oo ah tiradii ugu badnayd.

Waxyaabaha xaaladda uga sii daraya ayaa waxaa ka mid ah qiimaha cuntada oo aad sare ugu sii kacaya gudaha Soomaaliya, iyo xayiraad Alshabaab ay ku hayso cuntadii loo geyn lahaa dadka tabaalaysan.

Mr Griffiths ayaa magaalada Baydhabo ku tilmaamay ubucda macaluusha , isaga oo sheegay in carruurta nafaqo daro awgeed xitaa aysan hadli karin.

Hay’adda daryeelka carruurta ee unicef ayaa iyadana sheegtay in 730 carruur ah ay nafaqo darro ugu dhinteen xarumaha and quudinta.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarun sirdoon

In ka badan 50 dagaalyahan ayaa si xun u dhaawacmay, wasaaraddu waxay sheegtay.

  • Soomaliya

    14-09-2025

  • 08:40PM

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM