Qaramada Midoobay oo cambaaraysay weerarkii Muqdishu

Image

22 Septembar, 2015(GO)-Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicolas Kay ayaa cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ee lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada Muqdishu.

Kay ayaa xilliga qaraxu dhacay ku sugnaa Villa Somalia, waxa uu sheegay inay ka xunyihiin falkaasi, isagoo tacsi u diray dadkii wax ku noqotay.

Qaraxa ayaa dhacay saacad kaddib markii la soo gabagabeeyey shirkii wadatashiga ee madaxda Somaliada u socday.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa isugu jiray dhimasho, dhaawac iyo bur-bur kale, waxaana dhaawacyada la geeyay cusbitalka Madiino ee magalada Xamar.

Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in ay ka soo raynayso xaaladda caafimaad ee dhaawacyo ka badan labaatan qof oo xalay la gaarsiiyay isbitalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM