Qaramada Midoobay oo kahadashay dilka shaqaalaheeda Muqdishu

Image

15 December, 2015(GO)-Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Danjire Nicholas Kay ayaa ka hadlay weerar qorshaysan oo lagu dilay labo ruux oo ka tirsan hay'adooda u qaabilsan arrimaha Qaxootiga(UNHCR).

Kay ayaa codsaday in cadaaladda la horkeeno dambiilayaasha falkaasi fuliyay, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii labada qof ee kala ah Amino Maxamed Nuur iyo Cabdirisaaq Aadan Cadaawe ka geeriyoodeen.

Egayga xafiiska banaynaya ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xunyahay dilka loo gaystay shaqaale u adeegaya qaxootiga Somaliyeed, wuxuuna ku baaqay in dowladdu gacanta ku soo dhigto shakhsiyaadka falkaasi fuliyay.

Shalay 14 December, goor fiidnimo ah, ayaa shaqaalahaasi lagu dilay magalada Muqdishu gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Majirto cid loo soo qabtay, balse saraakiisha amniga ayaa sheegay inay wadaan baritaano lagu xaqiijinayo cidda ka dambaysay weerarka.Ilaa hadda majirto cid sheegatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM