Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Image

MUQDISHO - Kadib wadahalladii dhacay 13–15 May, UNTMIS waxay ku ammaanaysaa dhinacyada dib u bilaabista wadahadallada, waxayna ka mahadcelinaysaa dadaallada ay bixiyeen saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray wadahadallada.

Si kastaba ha ahaatee, waa wax laga xumaado in mar kale ay kulamadu kusoo dhammaadaan iyadoo aan xal loo helin khilaafaadkii taagnaa. Bahda QM waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida ay dhinacyadu u muujiyeen ka go’naanshaha sii wadista wadahadalka iyo helidda xal wax ku ool ah.

Haddaba, iyadoo Soomaaliya ay gelayso xilli kala-guur ah, bahda UNTMIS waxay rajaynaysaa in, inta lagu jiro marxaladdan, Dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta siiso la-tashiga dhammaan daneeyayaasha si la isugu raaco qaab-doorasho oo la fulin karo, dadkana midayn kara.

Hawlgalka QM wuxuu kaloo ugu baaqayaa Soomaalida inay u midoobaan wax ka qabashada dhibaatada bini’aadantinimo ee ba’an ee dalka ka jirta iyo khatarta joogtada ah ee ay argagixisadu ku hayso Soomaaliya.

UNTMIS waxay ku baaqaysaa in la muujiyo is-xakamayn, waxayna ku celinaysaa inay diyaar u tahay inay la shaqeyso saaxiibbada kale ee caalamiga ah si loo taageero dadaallada looga gudbayo kala-qaybsanaanta u dhexaysa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM