UN-ka oo soo dhaweeyay shirkii madaxda DF iyo maamulada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay kulankii maanta khadka Internet-ka ku dhexmaray madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda wadanka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu muujiyey taageeradooda wadahadalka oo horudhac u ah kulan fool ka fool ah oo la qorsheynayo in madaxdu yeeshaan.

"Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaan kulankii muuqaalka ahaa ee maanta dhexmaray hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Warka qoraalka ah ayaa waxaa la raaciyey: "Waxaan ku bogaadineynaa madaxweyne Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha dowladaha xubinta ka ah federaalka talaabadan muhiimka u ah wada-xaajoodyadda joogtada ah ee saamileyda Soomaaliya ka yeeshaan qadiyadaha hor-tabinta u leh qaranka; doorashooyinka, ammaanka iyo deyn cafinta".

Shirkii Maanta, oo madaxda ay ku yeesheen aaladda Whatsapp’-ka, ayaa gogol-xaar u ah kulan kale oo fool-ka-fool ah, kaasoo goobta lagu qabanayo iyo waqtiga uu shaacin doono madaxweyne Farmaajo.

Xog hoose oo Garowe Online helay ayaa sheegay in kulankii maanta ay qeybgaleen Ra’iisalWasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyeyaasha Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxda Maamullada ayaa dalbadey in la joojiyo sharciyada horyaalla baarlamaanka inta ay xal laga gaarayo, oo kulamo ka yeelanayaan madaxda oo muddo dhowr sano ah uu khilaaf ka dhaxeeyo.

Soomaaliya ayaa gashay mar-xalad kala guur ah oo isha ku hayo caalamka qaabka ay madaxda u maareeyaan isla markaana u dhacdo doorashooyinka 2020-2021 xilli ay ka digeen dib u dhac iyo muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM