UN-ka oo walaac ka muujiyay xaalka Covid-19 ee Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Qaramada Midoobay iyo daneeyeyaasha kale ayaa walaac ka muujiyey gaab ay sheegeen in uu ka jiro baaritaanka Covid-19 ee Soomaaliya wallow bishaan ay hoos u dhaceen kiisaska la xaqiijinayo.

Xafiiska UN-ka ee isku-dabaridka arrimaha bini'aadanimada OCHA ayaa warbixin uu soo saarey Axadii wuxuu ku sheegay in ay baahi weyn oo loo qabo baaritaan ka badan inta dowladda haatan horumarka ka sameysay.

"Waxaa jira degmooyin aan wali laga soo warin wax kiisas ah, waxaana ugu wacan in aysan ka jirin awood wax baarta," ayay OCHA warisay.

Degaanada Jubaland ayay ka dhawaajiyeen in aysan ka jirin qalabka dadka siiya neefta isla markaana xarumaha karantiilka magaalooyinka Ceel-waaq iyo Dhoobley ay si deg-deg ah ugu baahan yihiin tabarucaad.

Somaliland ayay hoosta ka xariiqdey in 200 oo kamid ah 833 iskuul ay u baahan yihiin taageero si ay u dhaqan-geliyaan habraaca iyo talaabooyinka xakameynta xanuunka si looga gaashaanto khatarta musiibada faafta.

Shacabka Puntland ayay ka dhawaajisay in aysan u hogaan-samin talaabooyinka ka hortaga xanuunka, arrintaas oo ay walaac ka muujisay. Kiiska Covid-19 ee Puntland ayay ku tilmaamtay in ay marayaan 400 xaalado.

OCHA ayaa u muuqata mid iska indha-tirtay habac-sanaanta ka jirta magaalooyin ay kamid tahay caasimadda, halkaasoo ay naadir tahay in la arko dadweyne xiran af-saabka ama u hogaan-samaya la dagaalanka safmareenka.

Kiiska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa maraya 3,269, iyaddoo geerida lagu qeexay 93 arrintaas oo su'aal laga keenay, halka bogsashada waa 2,396. Wasaarada caafimaadka waxay ka digtay in dadka is-dhigtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM