Qaramadda Midoobay oo soo dhaweysay kulanka Farmaajo iyo Biixi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wadahadalada la filayo in ay Jabuuti ku yeeshaan madaxweyneyaasha dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee UNSOM ayaa lagu sheegay "in shirkaas uu dhiiragelinayo wada-xaajoodyadda mustaqbalka".

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo lagu daabacay luuqadda English, UN-ka ayaa rajeynaya in "natiijo dan guud ah uu kasoo baxo shirka".

"Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya wuxuu soo dhaweynayaa wadahadaladda u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo uu martigelinayo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kani [kulanka] wuxuu dhiiragelin u noqonayaa wada-xaajoodyadda mustaqbalka, kuwaas oo aan rajeyneyno in ay kasoo baxaan natiijo laga wada faa'iideysto" ayaa lagu yiri qoraalka oo lasoo raaciyey calanka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Wafuud ay kala hogaaminayaan Farmaajo iyo Biixi ayaa maanta ka degay Jabuuti. Saacado nasiino ah kadib, waxaa la filayaa in ay isa soo horumariistaan. Geelle wuxuu noqonayaa shir gudoonka wadahadalka.

Shirar gaar-gaar ah oo noqonaya kuwa albaabada u xiran ayay yeelan doonan madaxda iyo wakiiladda Beesha Caalamka, iyaddoo la qorsheynayo in gabagabadda lasoo saaro war-murtiyeed wadajira.

Kulankaan ayaa noqonaya midkii labaad oo noocaasi ah oo dhexmara Farmaajo iyo Biixi tan iyo markii ay la doortay. Lama soo bandhigin ajendaha. Balse waxay quseysaa arrimaha gooni u goosadka.

Soomaalida ayaa indhaha ku haysa natiijadda kasoo bixi doonta shirkaas oo la aaminsan yahay in ay wax badan ka bedeli doonto jihada siyaasadeed ee haatan uu waddanka ku jiro iyo doorashooyinka soo aadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM