Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dhawaqa qarax xooggan iyo rasaas teel-teel ah ayaa Sabtida maanta ah waxay ka dhaceen magaala madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in gaari noociisu yahay NOAH lagana soo buuxiyey waxyaabo qarxa uu sababay qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka.

Ma cadda bartilmaameedka iyo khasaaraha ka dhashay falkaas wallow ay jiraan warbixino sheegaya in uu dhintay hal qof oo wali aan la aqoonsan yahay waxa uu yahay.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in ciidamada ammaanka ay gaariga qarxay kasoo eryadeen nawaaxiga Huteel Wehliye kahor inta uusan ku qarxin isgoyska Sayidka.

"Gaariga waxaa saarnaa naftii halige. Waxaa loo badinaa in qofka geeriyoodey uu isagu yahay. Balse, saraakiisha ammaanka wali ma bixin tafaasiil," ayuu yiri wariye madax-banaan oo u waramay Garowe Online.

Ciidamadda ammaanka ee tegay goobta ayaa saxaafadda madax-banaan ka carqaladeeyay in ay si furan uga soo waramaan goobta ayaga oo isku dayay in ay faaf-reeb ku sameeyaan.

Qoraal kasoo baxay taliska booliska Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay falkaas oo u badan burburka gaadiid iyo motooyin.

"Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo naftii haligihii waday gaariga qarxay," ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkan ayaa yimid xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino dhanka ammaanka oo ka imaanayay Xalane oo fariisin u ah wakiiladda Beesha Caalamka ee dalka.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online la faray shaqaalaha Soomaalida ee halkaas ka howlgala lagu wargeliyey in ay guriyahooda ku shaqeeyaan.

Horaantii bishaan, Al-Shabaab ayaa weerar qarax ku bilowdey oo ay ku ekeysay Huteel Afriik oo ku yaala wadada gasha garoonka Aadan Cadde waxay ku dishay 11 shacab u badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM