Qarax dad ku dhaawacmeen oo Muqdisho ka dhacay

Image

February 24, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhaawacmey qarax caawa ka dhacay xaafadda Taleex oo ka tirsan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa sida lagu soo waramayo ka dhashay bam horay loogu sii rakibey gaari ay labadaas qof wateen.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labada qof ee dhaawacmay midkood yahay injineer kuwa dhismaha ka tirsan.

Afar maalmood kahor ayaa laga joogaa markii Al-shabaab weerar is-miidaamin ah la beegsatey hoteelka Central ee ku yaalla bartamaha magaalada Muqdisho.

Weerarkaas waxaa ku geeriyoodey ku dhowaad soddon qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsani ku jireen, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey in ka badan konton qof oo Ra'isal Wasaare ku-xigeenka Dowladda Federaalku kamid yahay.

Qaraxyada lagu xiro gaadiidka ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana xusid mudan in sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 qaraxyo caynkan oo kale ahaa lagu diley tobanaan qof oo u badnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM