Qarax is-miidaamin oo ka dhacay afaafka xerada Turkiga ee Muqdisho

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax lagu sheegay is-miidaamin ayaa lagu waramay in Talaadada maanta ah uu ka dhacay afaafka hore ee xerada Turkiga ee Muqdisho, magaala madaxda wadanka Soomaaliya.

Fahfaahino horudhac ah oo tibaaxaya in weerarka uu fuliyey naftii halige ayaa xaqiijineysa in uu beegsaday layli saraakiil ah oo tababar u socday isla markaana saf dheer ugu jiray banaanka saldhiga.

Goobjoogeyaal codsaday in aan la magacaabin sabab la xiriirta iyagoo u baqaya nafsatooda ayaa u sheegay Garowe Online in ciidanka ay rasaas ku fureen ruuxaas markii kusoo dhawaaday.

"Ismiidaamiyaha wuxuu isku dayey in uu ku dhex-dhuunto saraakiisha feelka ugu jirtay in ay galaan saldhiga, balse waxaa toogtay ilaalada xarunta oo aqoonsaday," ayuu yiri goobjoogaha.

Illaa iyo haatan lama ogga khasaaraha ka dhashay falkaas oo noociisa oo kale ay ku caanbaxday maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda xagjirka ah ee Al-Qaacida.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkaan oo kusoo hagaagay xilli loo diyaar-garoobayo xuska todobaadka xorriyada oo qaban-qaabadeeda socoto.

Saldhiga Turkiga oo lagu tababaro qayb kamid ah kumaandooska Soomaaliya kuna dhow xarunta AMISOM ee Xalane ayaa ku taala degmada Wadajir, waxaana la furay bishii September, 2017-kii.

Sidda ay sheegeen saraakiisha Turkida ee maamusha, dugsigaan oo ka kooban qeybo isugu jira tababar, ciyaaro iyo cunto karin waxaa halkii jeer ka qalin-jebin karta in ka badan kun askari.

Qaraxii loo adeegsaday gaariga xamuulka ee October, 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho waxaa lala damacsanaa saldhigan, sidda ay daaha ka rogeen warbixino dhinaca sirdoonka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Maraykanku Wuxuu Joojinayaa Duqeymaha Xuutiyiinta Kadib Markii Heshiis La Gaaray

Ciidamada Israel ayaa Talaadadii weerar cirka ah ka fuliyay garoonka diyaaradaha caalamiga…

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 04:56PM

Shir Ka Furmay Muqdisho Iyadoo aanay Ka Qaybgelin Puntland iyo Jubbaland

Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo muhiim ah sida amniga qaranka, horumarka dhaqaale, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab

  • Soomaliya

    06-05-2025

  • 02:36PM