Qarax is-miidaamin oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Talaadada maanta ah ka dhacay ka dhacay degmadda Xamarwayne ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaan meel ku dhow saldhiga booliska degmaddaas iyo xarunta loo dukaameysi tago ee Muqdisho Mall.

Illo ammaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu fuliyey ruux naftii halige ahaa kaasoo soo xirtay jaakadda qaraxa.

"Ruuxaas waxaa arkay dad shacab oo kadib ku wargeliyey ciidamadda. Kadib naftii haligaha waxaa eryadday ciidamadda. War-wareeg dheer kadib wuxuu is-qarxiyey markii uu ku dhawaadey saldhiga booliska," ayay sheegeen hal illo wareed oo kamid ah dhowr qof oo uu wareystay mareegga GO.

Balse waxaa jira warbixino kale oo tibaaxaya in naftii haligaha uu jaakadda ku tuuray ciidamadda nabad-gelyadda ee joogay saldhiga booliska isla markaana uu halkaas ku dhaawacmay taliyaha bileyska Xamarwayne.

Illaa haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay falkaas. Balse, waxaa lasoo warinayaa waxyeelo u badan mid maaliyadeed oo mehrado gaarey.

Taliska booliska Soomaaliya oo qoraal kooban kasoo saarey falkaas ayaa shaaca ka dhigay "in uu fashiliyey qarax ismiidaamin oo maleyshiyadda Al-Shabaab ay dooneysay in ay ku dhibaateysay dad shacab ah".

"Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo fashiliyay Qarax lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka; Abaarihii 11:25 AM, ayeey Ciidabka Boliisku degmada Xamarweyne waxaa ay heleen xogta qof isku soo xiray walxaha Qarxa kaa oo doonaya inuu isku qarxiyo Ummadda, ilaahay mahadiis ma u dhicin sidii uu rabay oo ciidanka ayaa ceyrsaday ka dibna jaakadda ayuu iska tuuray oo qaraxday cid khasaare ka soo gaaray ma jirin," ayuu tibaaxay.

Qaraxaan ayaa imaanaya xilli ciidamadda ammaanka ay galeen heegan culus ka gedaal markii ay soo baxeen digniino ku saabsan in magaaladda ay ku jiraan qaraxyo gaadiid iyo is-qarxin ay beegsan karaan goobaha dadka ku kulmaan iyo xarumaha ugu muhiimsan ee dowladda federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM