Muqdisho: Al-shabaab oo weerartey Hotel Maka Al-mukarrama

Image

March 27, 2015 (GO)- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa galabta weerar qorsheysan ku soo qaadey Hotel Maka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowdey qarax is miidaamin ah. Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo noociisu ahaa Toyota Noah ayaa ku qarxey iridka hore oo hoteelka, waxaana intaas kadib hoteelka gudaha u galay ugu yaraan shan dagaal yahan oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo la sheegay inay ku lebisnaayeen direyska ciidamada.

Is-rasaaseyn xooggan ayaa dhex martey kooxda weerarka soo qaaddey iyo ilaalada hoteelka, waxaana intaas kadib goobta soo gaarey ciidamada nabad-sugidda.

Faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkan, balse wararka hordhaca ah ee Garowe Online heleyso ayaa sheegaya in ugu yaraan kow iyo toban qof ku dhinteen tiro intaas ka badanna uu dhaawac kasoo gaarey.

Dadka weerarka ku dhaawacmey waxaa kamid ah danjirihii Soomaaliya u fadhiyey dalka Switzerland Yuusuf Bari Bari.

Weli rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha hoteelka, waxaana lagu soo waramayaa in qaar kamid ah raggii weerarka soo qaadey ay gudaha hoteelka weli ka dagaalamyaaan.

Mas'uuliyadda weerarka waxaa sheegtay Al-shabaab. Afhayeenka hawlgallada Al-shabaab Cabdicasiis Abu Muscad ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay weerarkaas iyagu ka dambeeyeen.

Waa markii labaad ee bishan March gudaheeda qarax lagu weeraro Hotel Maka Al Mukarrama.

Hoteelkan oo inta badan ay degaan mas'uuliyiin dowladda ka tirsan  sanadkii hore ayaa labo qarax oo ismiidaamin ahaa sidan oo kale looga beegsaday.

Dhammaan qaraxyadaas waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM