Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHO, Somalia - Qarax Culus oo Ismiidaamin ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay Isgoyska Sayidka, ee magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Gaari nooca SURF ah, oo lagu soo xiray walxaha qarxa lagu weeraray Barkoontarool oo ciidamada NISA ku leeyihiin Isgoyska Sayidka.

Qaraxa kadib, Rasaas xoogan ayay ciidamada NISA rideen, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo rasaasta.

Ciidamada ayaa xiray wadadka, oo ah mid aad u mashquul badan, kuna dhaw xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxda Al shabaab, ayaa sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa.

GAROWEONLINE


Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM