Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacey duleedka magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax Ismiidaamin ah ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdishu, ee caasimda dalka Soomaaliya.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya Qaraxa oo ka dhacay Wado ku taalla Deegaanka Siinka-Dheer, oo qiyaastii 18KM dhanka Waqooyiga Galbeed uga beegan Muqdishu.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa oo loo adeegsaday Gaari nooca HOMY ah oo lagu soo xiray walxaha qarxa lagu weeraray ciidamada Alpha Group ee katirsan NISA.

Sarkaal katirsan NISA ayaa GO u sheegay in ay fashiliyeen Qarax Gaari oo kusoo jeeday Muqdishu, kaasi oo uu watay nin Naftii hure ah, oo kamid ah Al shabaab.

Wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee Qaraxa, balse warar hordhac ah oo GO helay ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 ruux ay ku dhimatay, 3 kalena ay ku dhaawacmeen.

Faahfaahin dambe kala soco warsidaha Garowe Online.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM