​Qarax iyo Dilal ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax miino ayaa ka dhacay Maqaaxi ku taalla Isgoyska degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir, kaasi oo lagu soo waramayo inuusan geysan wax khasaaro ah.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in Qaraxaasi lagu qariyay meheradda, islamarkaana la doonayay in lagu waxyeelleeyo Askar katirsan Booliska Degmadaasi Howlwadaag oo halkaasi si joogto ah u fariista.

Saraakiisha maamulka degmada Howlwadaag, ayaa sheegay in ciidamada amniga ay fashiliyeen Qaraxa, kadib markii ay kawar heleen saakay in goobta Maqaaxida ah lagu qariyay Miino habeenkii xalay.

Dhanka kale, Askari katirsan ciidamada Minishiibiyada Canshuuraha qaada ayaa Labo qof oo shacab ah ku dilay Suuq ku yaalla degmada Wadajir, ee gobolka Banaadir, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo aan xiriir la samaynay.

Askariga dilka geestay oo lagu magacaabo Saciid Gurey ayaa rasaas ku furey dad meherado ku leh goobo Ganacsi Suuqa Wayn, kadib markii ay ku murmeen lacag casnhuur ah, oo markaa laga qaadayay.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ee la shaqeeyo maamulka degmada Wadajir ayaa goobta dilka gaarey, waxaana la ogeyn inay soo xireen Askari Labada ruux ee shacabka ah dilay, iyo inuu baxsaday.

Saraakiisha ciidamada kama aysan hadlin Dilka dadkaasi rayidka ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM