Qarax iyo weerar lagu dilay Mas'uul oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof, oo ku jiro mas'uul degmo ayaa lagu dilay qarax iyo weerar maanta ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaadey gudoomiyaha waaxda 5aad ee degmada Kaxda, Ibraahim Calow Cali inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Ceelasha Biyaha xili halkaasi olole talaal uu ka wadey.

Saraakiisha amniga DF ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ku dhintay gudoomiye waaxaadka Ibraahim Calow iyo gabar Faatumo Mataan lagu magacaabi jiray oo ka shaqeynaysay wacyigelinta COVID-19.

Toogashadda kadib, qaraxa ayaa goobta ka dhacay kaasoo la sheegay inuu ahaa mid ku xiran Gaari goobta looga tagay, iyadoo dableyda fulisay weerarka ay meesha isaga baxsatay kahor inta uusan Ciidanka imaan.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse inta badan qaraxayada iyo toogashadda ka dhacay Koonfurta Soomaaliya waxaa sheegata Kooxda Al-Shabaab, oo mudo ka badan 10 sano dagaal kula jirta DF iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM