Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Image

BOOSAASO - Ugu yaraan afar qof, oo ay ku jiraan laba shaqaale oo ka tirsanaa shirkadda isgaarsiinta iyo laba askari, ayaa ku dhintay qarax ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Ilo amni ayaa sheegay in Daacish ay beegsatay gaari ay lahayd shirkadda Golis Telecom xilli uu marayay deegaankaasi. Hal askari oo kale oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa si daran ugu dhaawacmay, waxaana la sheegay inuu ku jiro xaalad halis ah.

Weerarkan ayaa dhacay xilli shirkaddu ay isku dayaysay inay dib u soo celiso adeegyada isgaarsiinta ee Calmiskaad, kadib qaraxyo hore oo burburiyay kaabayaashii deegaanka, oo ay ku jirto xarun isgaarsiineed.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso weli jiritaanka dagaalyahannada Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah, inkastoo maamulka Puntland uu marar badan sheegay in awoodda kooxdaasi si weyn loo wiiqay.

Qaraxan ayaa imanaya maalmo kadib duqeymo la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen qaraxyo iyo jidgooyooyin laga sameeyay gobolka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, ee Daacish iyo Al-Shabaab, si loo soo celiyo amniga iyo xasilloonida Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM