Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta KMG maamulka Jubaland xili uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku maqan yahay Shirka Garoowe.

Qaraxan oo ka dhacay Xaafadda Farjanno ayaa lagu dilay Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland oo lagu magacaabi jiray Khaliif Haashim Mooge, kaasoo gaarigiisa qaraxa loogu xiray.

Ciidamada amaanka ayaa wax yar kadib goobta tagey, waxayna kasoo qaadeen meydka Xildhibaanka ku dhintay qaraxa, kaasoo mas'uuliyadiisu sheegatay Al-Shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa cambaareeyay dilka Xildhibaan Mooge, isagoo tacsi u diray qoyska iyo qaraabadda Marxuumka.

Maxamuud Sayid ayaa ugu baaqey shacabka Jubaland inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisadda, oo uu sheegay inay khatar ku yihiin nabada iyo xasiloonida dalka.

Waa qaraxii kowaad oo sanadkan cusub ee 2021 ka dhacaya Soomaaliya xili dalka uu ku jira jahwareer siyaasadeed iyo is-mariwaa ka taagan doorashadda.

Todobaad kahor, qarax noocan ah ayaa ka dhacay magaaladda, kaasoo loogu xiray wariye u shaqeeya Universal TV, oo ka badbaadey isku-dayga la doonayay in lagu dilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM