Qarax ka dhacay meel ku dhow xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ay warar kala duwan kasoo baxayaan bartilmaameedka iyo nooca ayaa laga maqlay qaybo kamid ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga maqaayada Luul Yemeni oo kaabiga ku haysa Xabsiga Dhexe ee magaaladda Muqdisho.

Telefishinka ku hadla afka dowladda ayaa ku waramay in weerarka loo qaadey gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa laguna beegsaday maaqayadda Luul Yemeni.

"Qarax gaari loo adeegsaday ayay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab caawa ku qarxisay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taala degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadir," ayuu TV-ga ku daabacay bartiisa Facebook.

Isaga oo soo xiganaya afhayeenka bileyska ayuu ku daray: "Afayeenka ciidanka Booliska Gaashaanle Sadiiq Aadan Cali oo aan la hadalnay waxaa uu SNTV u sheegay in qaraxa uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh isla markaana ay dumeen guryo maqaayadda ka ag dhawaa hadana uu socdo gurmad loo fidinayo dadkii shacabka ahaa ee cadawgu dhibaateeye".

"Faah faahinta falkaa cadawgu geystay oo baaritaan aan ku hayno dib ayaan bulshada kala wadaagi doonaa," ayuu afhayeenka raaciyey, sidda uu baahiyey TV-ga.

Inta la xaqiijiyey 20 qof oo badankooda ah rayid  ayaa ku nafwaayey weerarka oo lagu sheegay is-miidaamin, halka tirro ka badan 30 loola cararay goobaha caafimaadka.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagay xilli qaar kamid ah waddooyinka caasimadda ay maanta dowladda xirtey kahor banaanbaxa Sabtida u qorsheysanaa Midowga Musharaxiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM