Sarkaal ka tirsan ciidanka Villa Soomaaliya oo la qarxiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa laga maqlay caasimada ee Muqdisho. Warar horudhac ah waxay sheegayaan in uu ka dhacay Ajibka Afasiyooni isla markaana ay tahay miino lala beegsaday sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya kaasoo la xusayo in uu dhaawac soo gaarey.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in sarkaalka la bartilmaameedsaday lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan Abuukar.

Warar ayaa sheegaya in Cumar oo darajadiisu tahay Korneyl uu dhaawac soo gaarey isla markaana loola cararay isbitaal.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaas. Balse, dhacdooyinkan waxaa looga bartay maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

"Sarkaalka wuxuu ka tirsan yahay ciidanka Madaxtooyadda. Wuxuu madax usoo noqdey qeybta 7aad ee milatariga," ayay GO u sheegeen dhowr illo wareed kala duwan.

Goobjoogeyaal ayaa intaas ku daray in ay jirto dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey askaf ilaalo u ahayd sarkaalka lana socotay gaarigiisa.

Hal illo wareed ayaa tibaaxay in Cumar uu haatan ahaa madaxa ilaaladda gaarka ah ee musharax madaxwayne Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, Sabtida maanta ah si ballaaran loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde kahor shirka dowladda federaalka iyo maamuladda ee lagu xalinayo khilaafka doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM