Dad ku dhintay is-miidaamin ka dhacay nawaaxiga dekada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax noociisa ahaa is-qarxin lagana maqlay qaybo kamid ah Muqdisho ayaa ka dhacay degmada Xamar Jabab gaar ahaan maqaayad ku dhow dekadda caasimadda dalka Soomaaliya.

Ismaaciil Oranje, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda dhacdey, ayaa bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka wuxuu ku shaaciyey in weerarka uu ahaa is-miidaamin uu naftii halige ka dambeeyay.

"Warar hordhac ayaa xaqiijinaya in qof xiran jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay maqaayad laga cunteeyo oo lagu magacaabo Luul Yemeni oo ku taalla Degmada Xamarjajab ee Gobalka Banaadir," ayuu yiri.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaan, balse waxaa dhacdooyinkan oo kale looga bartay xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

"Qofka isqarxiyay ayaa rabay in uu gudaha u galo maqaayadda si uu u laayo dadka shacabka ah ee ka cunteynayay Maqaayadda, hasa yeeshee mid kamid ah ilaalada maqaayadda ayaa isku duubay dhagarqabaha kaasoo markiiba qaatay go'aan ah in uu isku qarxiyo isla halkii lagu qabtay," ayuu Orange raaciyey.

Sidda laga soo xigtay fahfaahinta afhayeenka, laba qof ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kelana uu kasoo gaarey dhaawac.

Wuxuu qoraalkiisa raaciyey: "Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa naftii halignimada ah, iyagoo ku howlan gudashada waajibaadkooda".

Al-Shabaab ayaa inta badan waxay bartilmaameedsataa xarumaha ganacsiga marka ay ka biyo-diidaan bixinta lacagta baada ah ee ay u bixiyeen Zakawaadka, taas oo dowladda horey digniin culus uga soo saartey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM