​Qarax ka dhacay saldhigga ciidamada Jabuuti ee Baladweyne

Image

BELEDWEYNE, Somalia- Qarax culus ayaa laga maqlay goor-dhow Saldhigga ciidamada Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne, ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday Gaari Xamuul ah, oo lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay irida hore fariisinka ciidamadan qaybta ka ah howlgalka AMISOM ee Somalia.

Wararka aan ka helayno dadka deegaanka ayaa sheegaya in Dagaalyahanno hubaysan ay xoog ku galeen saldhiga Qaraxa kadib, waxaana iminka socda Rasaas xoogan oo labada dhinac is-waydaarsanayaan.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay AMISOM kaasoo ku aadan Weerarka iyo Khasaaraha ka dhashay.

Xerada la weeraray waa mida 2-aad ee ugu wayn, oo ciidamada Jabuuti ku leeyihiin degmada Beledweyne.

Waxaa loo malaynayaa in weerarkaasi soo qaadeen mallayshiyaad katirsan Al Shabaab.

Waxaa adag in la helo khasaaraha dagaalkaasi, maadama wali weerarku socdo.

Faah faahinta kala soco wararkeenna dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM