Qarax ka dhacey albaabka hore ee dekada magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xoogan ayaa gilgilay saakay magaalada Muqdishu, ee caasimada Somalia kadib markii Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ku qarxay Irida Dekedda Muqdishu.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in Qaraxa uu ka dhacay qeybta lagu canshuuro Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin Booliska Somalia.

Qaraxa waxa uu dhacay saakay abaare 7:30 am, xilli dad badan ay isticmaalayeen wadada hormarta Dekedda, sidoo kalena dad badan ay u shaqo galayeen Dekedda.

Ilaa hadda ma cada khasaaraha, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof oo shacab iyo askar isagu jiraan ay goobta ku dhinteen.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada Qaraxa.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco GaroweOnline.Omar 

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM