Qarax ka dhacey albaabka hore ee dekada magalaada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xoogan ayaa gilgilay saakay magaalada Muqdishu, ee caasimada Somalia kadib markii Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ku qarxay Irida Dekedda Muqdishu.

Goobjoogiyaal ayaa GO u sheegay in Qaraxa uu ka dhacay qeybta lagu canshuuro Gaadiidka ka shaqeeya Dekedda halkaasi oo ay fariisin ku leeyihiin Booliska Somalia.

Qaraxa waxa uu dhacay saakay abaare 7:30 am, xilli dad badan ay isticmaalayeen wadada hormarta Dekedda, sidoo kalena dad badan ay u shaqo galayeen Dekedda.

Ilaa hadda ma cada khasaaraha, balse warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof oo shacab iyo askar isagu jiraan ay goobta ku dhinteen.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada Qaraxa.

Fahfaahin dheeraad ah kala soco GaroweOnline.Omar 

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM