Qarax ka dhacey degaanka Halgan oo ka tirsan gobolka Hiraan

Image

10 August, 2015 (GO)- Afar qof ayaa ku dhawacantey inta la ogyahay qarax khasaaro dhaliyay oo ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu shaaho kuna taala deegaanka Halgan ee degmada Buula-burte , iyadoo goobtaasi ku sugnayeen ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowlada federaalka ah.

Lama oga in qaraxu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuuray maqaaxida iyo miino goobta lagu aasay.

Deegaanka Halgan oo muddo dheer saldhig muhiim ah u aheyd xoogagga Al-shabaab waxaa dhawaan la wareegay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Halgan ayaa dhowaan waxaa lagu diley dad shacab ah iyadoo lagu eedeyeey ciidamada AMSIOM ee ka howlgala degaankaas.

Sarakiisha hogaamisa ciidamadaan ayaa sheegtey in baaritaan ku sameyneyso shilkaan.

Qaraxaan ayaa khasaaraha dhabta uu gaystey kala socda wararkeena dambe

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM