Muqdisho: 12 ku dhimatey qarax ka dhacey makhaayad

Image

MUQDISHI, April 21,2015 ( GO)- Qarax lala beegsadey makhaayad ku taal agagaarka Hotel Central oo ku dhow halkii loo aqoon jirey taallada Xaawo Taako ayaa waxaa ku dhintey 12 qof tiro kalena waa ku dhaawacantey.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa maqaayadda lasoo ag-dhigey kaasoo markii uu qarxay sababey dhaawac iyo dhimasho badan.

Makhaayadaan oo ku dhow xarunta Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inta badan cuntada ka cuni jireen shaqaalaha rayidka dowlada iyo kuwa madaxtooyada.

Sarkaal u hadley ciidamada ayaa saxaafada u sheegey in marka qaraxaan dhacayey aysan halkaas ku sugneyn shaqaale badan oo ka tirsan dowlada.

Ciidamada amniga ayaa ku sugan goobta qaraxu ka dhacey iyada oo lagu arkayo gadiidka caafimaadka kuwasoo daad gureynaya dadka ku waxyeeloobey qaraxa.

Qaraxaan ayaa yimid maalin kadib markii magaalo madaxda Puntland ee Garowe gaari ay saarnaayeen shaqaalaha hay'ada UNICEF qof is-miidaamiyey isku qarxiyey halkaasoo ku dhinteen lix qof oo afar kamid ah ajnabi aheyd. Mas'uuliyadda weerarkan waxaa sheegtay ururka Al-shabaab.

Garowe online kala soco faahfaahinta warkaan...

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM