Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari
BOOSAASO - Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Puntland ayaa ku dhintay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen Jimcihii maanta, ka dib markii qarax miino lagula eegtay jidka weyn ee isku xira magaalooyinka Boosaaso iyo Dhaadaar, gaar ahaan aagga Al-Khaliifa, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka.
Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari milatari oo marayay deegaankaas, waxaana mas’uuliyiinta deegaanku ay aaminsan yihiin in weerarkaas ay fuliyeen kooxda Daacish-ta Soomaaliya ee ku dhuumaalaysata dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.
Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland ay kula jirto xoogagga Daacish ee fariisinka ku leh silsiladaha buuraha Al-Khaliifa iyo Calmiskaad. Dadka naqdiya maamulka ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta inay hoos u dhigeen cadaadiskii ay ku hayeen kooxda, taasoo u sahashay maleeshiyada inay dib isu soo abaabulaan oo ay fuliyaan weeraro horleh.
Horaantii todobaadkan, warbixin dhanka ammaanka ah oo loo gudbiyay Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Daacish ay weli helayso taageero dhanka saadka ah. Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa sheegay in kooxda ay cunto iyo xoolo ka helaan dad taageersan oo ku nool deegaanada miyiga ah.
Weerarkan ayaa dhacay saddex maalmood ka dib markii Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu duqeyn dhanka cirka ah ka fuliyay deegaanka Togga Baallade ee buuraha Calmiskaad, qiyaastii 70 kiiloomitir dhanka koonfur-bari ka xigta Boosaaso. AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntaas lala kaashaday dowladda federaalka Soomaaliya si loo wiiqo awoodda kooxda.
Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, inkastoo ay ka yar tahay Al-Shabaab, haddana waxay sannado badan ku sugnaayeen waqooyiga bari ee Soomaaliya, iyagoo godadka buuraha ee fog-fog u adeegsada saldhigyo ay ka fuliyaan dilalka qorsheysan, qaraxyada, iyo lacagaha ay sida xoogga ah uga qaataan dadka deegaanka, gaar ahaan gobollada Puntland.
GAROWE ONLINE