Qarax khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Image

Sept 9, 2014 (Garowe Online)- Ku dhowaad Shan ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Isgoyska Banaadir ee magalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii uu qarxay gaari yaalay Isgoyska oo ahaa nuuca raaxada kaasi oo aanan la ogayn sababta loo qarxiyay.

Dadka ugu badan ee waxyeeladu  soo gaartay ayaa waxay yihiin haween ku ganacsanayay agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana loola cararay isbitalka Madiina. 

Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ayaa hawlgal ka wada halka uu qaraxu ka dhacay lamana garan karo cidda lala damacsanaa.

Kooxdan dagaalka kula jirta dowlada iyo ciidanka AMSIOM ayaa shalay oo Isniin ahayd weerar Ismiidaamin ah oo ku qaaday kolonyo ka mid ah ciidamada AMISOM xili ay marayeen deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka degmada Afgooye waxay ku dileen in ka badan 20-ruux oo shacab ah halka dhaawucuna uu intaasi ka sii badanyahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM