Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ugu yaraan 5 qof ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qarax xoogan oo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo, oo xarun ku meelgaarka ah u ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino lagu aasay bar-koontarool oo Koonfurta magaaladda ku taala, halkaasi oo ay Ciidanka Koonfur Galbeed ku qaadaan Canshuurta.

Fahfaahino horudhac ah ayaa muujinaya in goorta ay miinada qarxeysay ay goobta taagnaayeen gaadiid ay la socdeen dad shacab ah.

Mid kamid ah dadka rakaabka ah oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in miinada ay sababtay burbur soo gaarey gaadiidka qaarkood.

"Qaraxa wuxuu ka dhacay Koontaroolka Ciidamada amniga Koonfur Galbeed ku sugan yihiin, kuwaasoo canshuur ka qaada gaadiidka aada dhinaca magaalada Baardheere," ayuu yiri Goobjoogaha, isagoo intaasi ku daray in dadka geeriyoodeey ay isagu jiraan askar iyo shacab.

Saraakiisha amniga oo goobta gaarey waxyar kadib qaraxa, ayaa sheegay in dhowr qof oo ku dhaawacmay weerarka la dhigay Isbitaallada, waxayna ku eedeeyeen falkan argagixiso inay ka dmabeyso Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxa Baydhabo wuxuu noqonayaa midkii labaad oo Koonfurta Soomaaliya ka dhaca maanta, iyadoo midkii hore oo loo adeegsaday Gaari walxaha qarax lagu soo xiray lala eegtay goob canshuurta lagu qaada oo ku dhaw Dekadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM