Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Ugu yaraan saddex qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhaawacmeen kadib markii qarax maanta oo Khamiis ah ka dhacay Dhuusamareeb, magaala madaxda Galmudug.

Warar is-khilaafsan ayaa waxay kasoo baxayaan nooca qaraxa oo lagu kala sheegay Miino iyo Bam-gacmeed.

Taliska Booliska magaaladda oo sheegay in ay baaris ku waddaan ayaa sheegay in ay tirro dad ah u xireen falkaas.

"Qaraxa oo jugtiisa wax xoogaa cusleyd ayaa ka dhacay goob ku dhow Maxkamadda Degmadda," ayuu yiri Cabdullaahi Nuur, oo kamid ah dadka degaanka ee Dhuusamareeb.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkaan, wallow dhacdooyin noocaan ah ay horey dhabarka u saaratay Al-Shabaab, oo ah urur hubeysan oo gacansaar la leh Al-Qaacidda.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo ammaanka sarre loo qaadey maadaama xasarado siyaasadeed ay jiraan.

Xiisadda oo ka dhalatay doorashooyin madaxweyneyaal iska soo horjeeda oo lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, taasoo ka dhalatay faragelin iyo juujuub lagu eedeeyay maamulka Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM