Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhimatay, tirro kalana way ku dhaawacmeen qarax miino oo Axada maanta ah ka dhacay degaanka Tixsiile ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Maleyshiyada gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ayaa xustey in weerarkaas ay la beegsatay kolanyo ay la socdeen saraakiil Mareykanku tababaray.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda xoogaga hubeysan. Balse, dadka degaanku waxay tibaaxeen in qaraxaas uu dhacay balse waxay ka gaabsadeen waxyeelada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay falkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa lala beegsaday kolanyo uu la socday gudoomiyaha gobolka Shabelelaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayna wehliyeen saraakiil ka tirsan kumaandooska ciidamadda Danab.

Mas'uuliyiinta ayaa kusii jeeday degmadda Wanlaweyn halkaasoo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka jirtay colaad u dhaxeysa bulshooyin walaalo ah.

Beer Yarre, taliyaha ciidamadda kumaandooska Danab, ayaa lagu waramay in uu kamid yahay dadka ku dhaawacmay falkaas. Axmed Gaashaan, oo ah taliye guuto, ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in uu kamid yahay dhaawacyadda.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab isla markaana ay si joogto ah uga fuliso howlgalada. Weerarkan wuxuu imaanayaa maalmo kadib markii dowladda Mareykanka ay la baxdey ciidankiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM