Qarax khasaaro kala duwan sababay oo ka dhacay waqoyga Baydhabo

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa laga cabsi qabaa in uu ka dhashay qaraxyo kala duwan oo Axada maanta ah ka dhacay waqoyga caasimadda ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Illo wareedyo ay ku jiraan saraakiil amni ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxyadda ay ka dhasheen bam-gacmeedyo lagu weeraray goob ay ka socotay ciyaar-dhaqameed oo xero barakac ah.

Bam-gacmeedyadda ayaa lagu tuuray dhowr madal oo ciyaar-dhaqameedka ay ka socdeen. Goobta falkaan uu ka dhacay waxaa lagu magacaabaa Ban-qiyaamo, waxayna ku taalaa banaanka waqooyi ee magaaladda.

Mid kamid ah isbitaalada ku yaala magaalada Baydhabo oo GO uu xiriir toos ah la sameeyay ayaa xaqiijiyey in lasoo gaarsiiyey dhaawacyadda 12 qof oo ay ku jiraan bukaano xaaladooda ay culus tahay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaan, balse degaanada maamulkaas waxaa ku xoogan isla markaana joogitaan ku leh dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Shalay ayay ahayd markii qarax miino oo ka dhacay magaalada Diinsoor ee isla gobolka Baay lagu dilay gudoomiyihii ururka haweenka degmada, Barliin Xaaji Buule ayna ku dhaawacmeen caruur qoyskeeda kamid ahaa.

Weeraradan soo laab-laabtey ayaa kusoo aadaya xilli laamaha ammaanka ay sheegeen intii lagu guda jiray bisha barakeysan ee Ramadan ay ku guuleysteen ka hortagga falal liddi ku ahaa nabad-gelyadda magaaladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM