Qarax lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Jowhar

Image
Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi

JOWHAR, HirShabelle – Inta la xaqiijiyay Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax Isniinta maanta ah ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiisha amaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu mareysay deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.

Afarta qof ee mootada saarnaa ayaa dhamaantood goobta ku geeriyooday sida sarkaal caafimaad oo diiday magaciis cabsi uu ka qabo aargoosi u sheegay Garowe Online.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka afarta ruux.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha golaha shacabka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa halkaasi, waxaana ay ku beegsadataa ciidamada iyo mas’uuliyiin maamulka HirShabelle, inkastoo illaa iyo hadda aysan kooxdu ka hadlin weerarkan qaraxa ah ee maanta loo dhigay dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM