Qarax lagu dilay dad rayid ah oo ka dhacay Jowhar

Image
Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi

JOWHAR, HirShabelle – Inta la xaqiijiyay Afar qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay qarax Isniinta maanta ah ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiisha amaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay Mooto Bajaaj ay la socdeen dad shacab ah, xilli uu mareysay deegaanka Xaanshooley ee duleedka Jowhar.

Afarta qof ee mootada saarnaa ayaa dhamaantood goobta ku geeriyooday sida sarkaal caafimaad oo diiday magaciis cabsi uu ka qabo aargoosi u sheegay Garowe Online.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meesha kasoo qaaday meydadka afarta ruux.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo maamulka Hirshabeelle ka bixiyeen dhacdadaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeri ah.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal ammaan darri oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay haatan ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha golaha shacabka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadmo ah ka fulisa halkaasi, waxaana ay ku beegsadataa ciidamada iyo mas’uuliyiin maamulka HirShabelle, inkastoo illaa iyo hadda aysan kooxdu ka hadlin weerarkan qaraxa ah ee maanta loo dhigay dadka shacabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM