Qarax lala beegsadey macalin Jamacadeed oo la shaqeeynayey Musharax Jibriil Ibrahim

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax lagu xiray Gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdishu, ee caasimada Soomaaliya.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in Bam lagu xiray Gaari uu leeyahay Nin Macalin Jaamacadeed ah, uu ka dhacay xaafada halka loo yaqaano Sei Piano ee degmada Hodon.

Maclinka Jaamacadeed oo lagu magacaabo Cabdiweli Baadi Maxa'ed ayaa ku dhaawacmay Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Wararku waxay sheegayaan in Macalinka uu maalmahan la shaqeynayay Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ah Musharax u tartamaya Madaxweynaha Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM

Kalsoonida Beesha Caalamka ee Villa Somalia oo Meel Xun Maraysa

Beesha caalamku waxay maalin kasta ka cabanayaan Xasan Sheekh. Waxay leeyihiin wuu naga khasaaray, hadda waan ka guureynaa.

  • Soomaliya

    17-06-2025

  • 09:21AM