Qarax lagu qariyey mooto Bajaaj iyo shaqsiyaadkii wadday oo la qabtay

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay magaala madaxda ku meelgaarka ah ee Baydhabo ay fiidnimadii caawa ku qabteen mooto bajaaj qarax lagu qariyey iyo xubno la socday.

Cabdullaahi Macalin Baari, mas'uul ka tirsan maamulka degmadda oo u waramay warbaahinta maxaliga ah, ayaa xusay in qaraxaas loo waday degaanka Maguudi ee duleedka Baydhabo oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamadda.

Sidda laga soo xigtay Baari, waxaa baxsaday mid kamid ah shaqsiyaadkii la socday Mootadda oo gaarayay saddex, halka gacanta lagu hayo labada kale.

"Ma sheegi karo hadii ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Balse, dib ayaan ka shaacin doonaa. Wareysi iyo baaritaan ayaa ku sameyn doonaa labadda ruux ee la qabtay," ayuu ku daray isagoo ka gaabsaday in uu fahfaahin bixiyo.

Shaqsiga baxsaday oo ciidamadda ammaanka goobayaan ayaa Toorey ku dhaawacay askari boolis ah oo joojiyey Mootadda, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal khadka telefoonka kula hadlay warisaha Garowe Online.

"Ciidamadda amniga waxay bilaabeen howlgalo si guud loogu sugayo ammaanka laguna baadigoobayo eedeysaneyaas baxsaday," ayuu Baari raaciyey.

Fashilinta qaraxaan ayaa timid xilli Hay'addaha amniga Koonfur Galbeed la geliyey heegan buuxa sababo la xiriira warbixino sirdoon oo sheegaya in Al-Shabaab ay magaalooyinka u soo dirtay shabakado mukhaabaraad.

Isaaq Cali Subug, wasiirka amniga Koonfur Galbeed oo maanta la kulmay saraakiil amniga iyo wafdi ka socday UK, ayaa kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka doorashadda loogana hortagi lahaa falalka Al-Shabaab.

Xoogaag gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa la aaminsan yahay in ay isku dayayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen coddeynta soo socota – dhanka ammaanka iyo suurtagalnimada in ay kusoo dhex-darsadaan murashaxiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM