Qarax lagu soo qariyey Jawaan oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Laba qof ayaa lagu waramay in ay ku dhaawacmeen qarax lagu qariyey jawaan oo xalay fiidkii ka dhacay nawaaxiga isgoyska Sayidka ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Illo wareedyo ku dhow taliska booliska ayaa u sheegay Garowe Online in uu baxsaday qofkii ka dambeeyay falkaas kahor inta aysan meesha soo gaarin ciidamadda ammaanka oo baaris qaadey.

"Labada muwaadin xaaladooda way wanaagsan tahay, illaa haatan, waxaana lagula tacaalayaa mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaal madaxda waddanka," ayuu yiri sarkaal boolis ah.

Goobjoogeyaal ayaa soo wariyey in dadka waxyeeladdu soo gaartey ay ahaayeen shacab marayey wadada oo sidoo kale kaabiga ku haysa xaruntii hore ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa inta badan looga bartay dhacdooyinka liddiga ku ah ammaanka caasimadda oo qaraxyada iyo dilal ku jiraan.

Bishii hore ee August, afar weerar oo saddex kamid ah ay qaraxyo yihiin ayaa Muqdisho ka dhacay, waxaana ku naf-waayey in ka badan 60 ruux oo shacab u badan, iyaddoo Al-Shabaab ay ka dambeysay.

Ficiladaan u muuqda in ay dib u soo laba-kacleeyeen ayaa kusoo hagaagaya xilli waddanka uu ku jiro mar-xalad kala guur siyaasadeed ah isla markaana ay socdaan wadahadalo lagu goobayo wada ogol.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM