Mas'uul lagu dilay qarax is-miidaamin oo ka dhacay Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii Rugtada Ganacsatada Jubaland, Shaafi Raabi Kaahin, ayaa lagu dilay qarax is-miidaamin oo Jimcada maanta ah ka dhacay caasimadda ku meelgaarka ah ee maamul goboleedkaas.

Weerarka lagu khaarijiyey marxuumka ayaa ka dhacay banaanka Masjidka Qaadim, halkaasoo naftii-halige uu isku qarxiyey xilli uu kasoo baxay Guriga Ilaahey isagoo ay wehliyeen mas'uuliyiin kale.

Naftii-haligaha oo ku qeylinayey "Allaahu Akbar [Ilaahey ayaa weyn] ayaa si gaar ah u beegsaday Kaahin, sidda ay sheegeen saraakiil dhanka ammanka ah iyo dadka degaanka.

Marxuumka oo kamid ah sadex qof uu ku jiro is-miidaamiyaha iyo ruux kale oo wali aan la aqoonsan ayaa u dhintay dhaawac culus oo kasoo gaarey qaraxaan "jugtiisa aadka loo maqlay".

"Qaraxa jugtiisa aad bey u cusleyd. Is-qarxiyaha wuxuu watay jaakada is-miidaaminta. Guddoomiyaha markii la beegsanayey wuu socday, wuxuuna kasoo baxay Masaajidka," ayuu yiri qof goobjooge ah.

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa inta badan dusha saarata dhacdooyinkaan oo kale ee ka dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kaahin oo sidoo kale ah xoghayaha guud ee Rugta Ganacsatada Soomaaliya, ayaa wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta aadka u dhaliila dowladda waqtiga ka dhamaanayo ee madaxweyne Farmaajo.

Bishii Julaayo, 2019, weerar loo adeegsaday qarax gaari ayaa lagu beegsaday Hotel Cascasey oo ku yaala Kismaayo, waxaana lagu dilay tobanaan qof oo ay ku jiraan Soomaali dhalasho ka haysta dalal kale.

Bil kadib dhacdadaas, saraakiisha waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen maskaxdii ka dambeysay xasuuqaas. Balse, illaa haatan ma jirto meel maxkamad lagu soo taagay eedeysanahaas.

Kismaayo ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabdoon degaanada Soomaalida. Mas'uuliyiinta maamulk waxay xasiloonidaas sabab uga dhigeen mukhaabaraad xoogan, wadashaqeynta shacabka iyo dhaqdhaqaaqyo joogta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM