Qarax Miino oo Ka Dhacay Buuraha Cal-Miskaad

Image

Qandala, 5 Agoosto 2025 — Qarax miino oo si qorshaysan loogu aasay meel jid ah oo ku taalla buuraha Cal-Miskaad ayaa sababay geerida laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka difaaca Puntland iyo saddex askari oo kale. Qaraxa oo lala beegsaday gaari ay la socdeen, ayaa ka dhacay deegaanka Dasaan ee hoostaga degmada Qandala.

Taliyaha ururka 2aad ee Kumaandooska PMPF, Kabtan Maxamuud Jaamac Leexo, iyo sarkaalkii la socday oo lagu magacaabi jiray Siciid Maxamuud Maxamed (Jiqda), ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen weerarka. Wararka ayaa tilmaamaya in miinada si qarsoodi ah ay u dhigeen maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaas oo ku sugan goobo ka tirsan buuraha gobolka Bari.

Kabtan Leexo ayaa ahaa saraakiil khibrad dheer u leh dagaalka lagula jiro Daacish, waxaana horey loogu dhaawacay weerarro hore oo ka dhacay Dharjaale iyo Haraaryo. Inkasta oo uu dhaawacyo culus soo maray, haddana mar kasta wuxuu dib ugu laaban jiray jiidaha hore, taasoo ka dhigtay mid kamid ah wejiyada geesinimada ciidanka Puntland.

Kooxda Daacish ayaa tan iyo dhowr sano ka hor ku dhuumaaleysaneysay buuraleyda Cal-Miskaad, halkaas oo ay ka fuliyaan weerarro qarsoodi ah. Dowladda Puntland wali si rasmi ah ugama hadlin qaraxan, balse saraakiil amni ayaa sheegay in howlgal ballaaran laga bilaabi doono deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Daacish.

Qaraxan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ee gobolka, iyadoo shacabka deegaanka ay codsanayaan in la kordhiyo joogitaanka ciidamada si loo xakameeyo dhaq-dhaqaaqa kooxaha argagixisada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM