Qarax ka dhacay agagaarka iskuul ay maamusho dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa fiidnimadii caawa abaare 08:20 waqtiga Geeska Afrika waxaa laga maqlay qaybo kamid ah magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Illo wareedyo dhanka amniga ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga iskuulka 21-ka October ee ku yaala degmada Waaberi ee magaala madaxda dalka.

Ismaaciil Mukhtaar Cumar, afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo xusay in qaraxa uu ka dhashay Miino dhulka lagu aasay, ayaa tibaaxay in uusan geysan wax khasaaro ah.

"Miino dhulka lagu aasay ayaa ku qarxday Dugsiga 21 October, Dagmada Waaberi. marka cidna wax kuma noqon, sidaa darteed ayuusan war u aheyn. Qarax ayaa dhacay uun baa laga rabay," ayuu yiri.

Lama ogga bartilmaameedka qaraxa. Balse iskuulka 21-ka October waxaa maamusha dowladda Soomaaliya. Ciidamadda oo gaarey meesha xirayna wadada ayaa dib u furay isu socodka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas, balse dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Weerarkaan ayaa kusoo hagaagaya xilli lagu waddo in 18-ka bishan July uu bilowdo Imtixaanka Shahaadiga ah ee dowladda, waxaana iskuulkan uu kamid yahay meelaha lagu gelayo.

Wadada uu qaraxu ka dhacay waxay ku dhow-dahay xerada ciidamadda cirka Soomaaliya iyo iridka loo aado dhanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan [Aadan Cadde].

Muqdisho ayaa todobaadyadii u dambeysay martigelineysay qaraxyo noocaan ah oo lagu beegsanayey saraakiisha iyo ciidamadda dowladda, balse khasaaruhu soo gaarayey dad shacab ahaa.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Mareykanka iyo Ukraine oo Kala Saxiixday Heshiis Dhaqaale Kadib Markii Trump Dood Keenay

Ra’iisul Wasaaraha Ukraine, Denys Shmyhal, oo qoraal ku daabacay baraha bulshada ayaa…

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 12:54AM

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM